Dab ka kacay xarunta baarlamaanka ee Koonfur Afrika

0
732

War dhawaan la helay ayaa sheegaya inuu dab qabsaday xarunta golaha xeer dejinta ee wadanka Koonfur Afrika ee magaalada Cape Town.
Wakaaladda wararka ee AFP ayaa sidatan ku warramaysa.
Afhayeen u hadlay waaxda maareynta xaaladaha degdegga ee magaalada Cape Town ayaa sheegay inuu gubtay saqafka dhismahaasi iyadoo horay loo soo tabiyay dillaacyo lagu arkay dhismaha.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dabku uu goobta ka kacay abaare 5:30 aroornimo ee maanta.
Saraakiisha waaxda dab damiska ayaa laga soo xigtay inuu ahaa mid xooggan iyadoo uu qiiqa cirka isku shareeray.
Ilaa iyo hadda ma cadda sababta keentay in xarunta baarlamaanka ay gubato.
Shabakadda wararka ee News24, ayaa qortay inay goobta gaareen 36 oo ah saraakiisha dab damiska waxayna codsadeen taageero dheeraad ah si ay u xakameeyaan dabka.
Wixii qodobkan ku soo kordho halkan aad kala socon doontaan.