Dowladda Maraykanka ayaa waddamada Itoobiya , Mali iyo Guinea ka saartay barnaamij ganacsi oo horay ay uga faa’iidaysan jireen si canshuur la’aan ah.
Barnaamijkan ayaa loo yaqaanaa AGOA .
Tani ayaa timid ka dib markii dowladaha dalalkan lagu eedeyay xadgudubyo ka dhan ah xuquuqul insaanka iyo afgembiyo dhawaan dhacay.
Hasa ahaate safaaradaha xukuumadda Washington ee saddexdan waddan ayaan weli arrintan ka hadlin.