DHAGEYSO:Senatarkii Garissa oo geeriyooday

0
528

Alle ha u naxariistee waxaa saaka isbitaalka Aga Khan ee magaalada Nairobi ku geeriyooday senatarkii ismaamulka Garissa Maxamad Yuusuf Xaaji.
Mr. Xaaji ayaa geeriyooday isagoo 80 sano jir ah ka dib in muddo oo uu xanuunsanaa.
Waxaa uu ahaa guddoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI.
Geerida senatarka Garissa waxaa ka tacsiyeeyay guddoomiyaha dalladda hoggaamiyaasha muslimiinta ee NAMLEF laanteeda Garissa Sheekh Xasan Cabdullahi Cameey

Waxaa tacsi tani la mid ah diray mid ka mid ah shacabka ismaamulka Mandera

Waxaa sidoo kale tacsi tani la mid ah diraya maamulka iyo shaqaalaha idaacadda star fm.