Hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga ayaa kenyaanka u xaqiijiyay in dalka uu gaarsiin doono heer kale gaar ahaan dhanka dhaqaalaha haddii loo doorto madaxweynaha xiga ee dalka ee doorashada guud ee soo socota.
Waxaa uu sheegay inuu yahay saynis yahan dhanka siyaasadda iyo Injineer, ayna u sahli doonto inuu kor u qaado dhaqaalaha wadanka si dadweynaha ay uga faa’iideystaan.
Hadalkan uu ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ka jeediyay fagaaraha Bukhungu ee ismaamulka Kakamega halkaaso oo shalay lagu qabtay kulan siyaasadeed looga gol-lahaa in lagu mideeyo shacabka ku nool gobolka galbeedka ee wadanka.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa dhanka kale kenyaanka ugu hambalyeeyay sanadka cusub ee 2022-ka, isagoo u rajeeyay inuu noqdo mid barwaaqo ah.
Waxaa uu sheegay in sanadkan uu yahay sanad isbeddello badan imaan doonaan, islamarkaama ay doorashooyin dhici doonaan.
Waxaa uuna ugu baaqay cid kasta oo xil siyaasadeed raadineysa in ay si nabad ah ololahooda u sameystaan, kana waantoobaan wax kasta oo fowdo iyo khilaaf keeni kara.
Dhanka kale hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga ayaa weerar afka ah ku qaaday ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto, isagoo ku eedeeyay inuu kenyaanka ka ballanqaadayay balamo maran tani iyo sanadkii 2013-kii.
Mr. Odinga ayaa xusay in tan iyo markii uu ku jiray dowladdii uu ra’iisul wasaare ka ahaa islamarkaana uu hoggaaminayay madaxweynihii hore ee dalka Mwai Kibaki, ay ballanqaadyadoodi ka dhabeeyeen.
Mar uu arrimahan ka hadlay ayuu yiri madaxa xisbiga ODM Raila Odinga