Isbuurasho ka dhacday goob diimeed oo ku taalla Kashmir oo ay dad ku dhinteen

0
571

Ugu yaraan 12 qof ayaa la xaqiijiyay inay dhinteen halka 13 kale ay ku dhaawacmeen isbuurasho ka dhacday goob lagu cibaadeysto oo ku taalla gobolka Kashmir ee dalka India.
Isbuurashada ayaa ka dhacday macbadka Mata Vaishno Devi, oo ah mid ka mid ah macbadyada Hinduuga ee aadka looga qadariyo waqooyiga dalkaasi.
Sarkaal ka tirsan maamulka musiibooyinka ee India ayaa xaqiijiyay tirada dhimashada, isagoo sheegay in isbuurashadu ay dhacday abaare 2:45 habeenimo ee saacadda wadankaaasi
Dhanka kale ra’iisul wasaaraha dalka India Narendra Modi ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitter-ka ku sheegay inuu aad uga xun yahay musiibbada dhacday.
Waxaa uu intaa ku daray in uu la xiriiray mas’uuliyiinta deegaanka.