DHAGEYSO:Waaxda tareennada dalka oo dhismooyin ku burburisay Naivasha

0
635

Qaar ka mid ah shacabka magaalada Naivasha ee ismaamulka Nakuru ayaa cabasho ka muujinaya howlgallo waaxda tareennada dalka ay ku burburisay goobo ay ku ganacsanayeen.
Waxay warbaahinta u sheegeen inuu soo gaaray khasaare hantiyeed oo malaayiin shilin ah.
Ganacsatada ayaa ku andacoonaya in aan la siin wakhti ku filan si ay u banneyaan goobaha waaxdu ay sheegtay in ay yihiin dhul ay leedahay.

Waxaa howlgallada cambaareeyay wakiilka deegaanka hoose ee Lakeview , Simon Wanyoike oo ku tilmaamay kuwo si baniaadanimo ka baxsan loo fuliyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here