Madaxda Maraykanka iyo Ruushka oo maanta wada hadal yeelanaya

0
804

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa lagu wadaa inuu maanta la hadlo dhigiisa Ruushka Vladimir Putin.
Aqalka cad ee Maraykanka looga arrimiyo ayaa laga soo xigtay in labada mas’uul ay diiradda saari doonaan hoos u dhigidda xasaradda sii kordheysa ee ka jirta xadka ay wadagaan Ruushka iyo Ukraine.
Golaha amniga qaran ee xukuumadda Washington ayaa xusay in Biden iyo Putin ay isla meel dhigi doonaan xoojinta xiriirrada dibloomaasiyadeed ee dalalkooda.
Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka Sergey Lavrov ayaa dhankiisa sheegay in wada hadallo u dhexeya labada waddan oo la qorsheeyay inay dhacaan bisha soo socoto ay ka qayb geli doonaan dibloomaasiyiin iyo saraakiil militari.