Hoggaamiyaha laga tirada badan yahay ee baarlamaanka dalka John Mbadi ayaa lagu amray in uu baarlamanka dalka ka maqnaado muddo shan maalmood ah ka dib markii lagu eedeeyay inuu kiciyay fowdo.
Guddoomiyaha Afaraad ee Guddiyada Baarlamaanka ayaa sheegay faray Mr Mbadi inuu baarlamaanka isaga baxo xaalada jirtay owgeeda.
Kalfadhiga gaarka ah oo uu ku baaqay afhayeenka baarlamaanka dalka Justin Muturi si looga doodo sharciga wax ka bedelka xisbiyada siyaasadda ee muranka dhaliyay ayaa dib loo dhigay muddo 15 daqiiqo ah ka dib markii fadhigu isu bedelay fowdo.
Mbadi ayaa waxaa ay dharbaaxo isweydaarsadeen xildhibaanka laga soo doorto Soin Kipsengeret Koross taas oo keentay in Mbadi uu xildhibaan Koross wajiga dhaawac ka gaarsiiyo.
Mudane Koross ayaa sidoo kale la faray in uu si deg deg ah u raadsado daryeel caafimaad ka dib markii ay isha hoosteeda dhaawac halis ah uu soo gaaray.
Xildhibaanka laga soo doortay Galbeedka Tigania John Mutunga iyo dhiggiisa Galbeedka Suna ee Peter Masara ayaa sidoo kale la arkayay iyagoo isku tuuraya caagado biyo ah.
Maanta aqalka baarlamaanka ee dalka waxaa ka taagneyd muran xoogan taas oo keentay in mudanayaal qar ah ay gacanta iskula tagaan.