Gacan ka hadal ka dhashay xeer ay ka doodayeen mudanayaasha dalka

0
1351

Xildhibaanada golaha qaran ee xeer dejinta ayaa caawa wali u codaynaya dood muran dhalisay .
Mudanayaasha ayaa laga doonaya inay u codeeyaan meel marinta hindise sharciyeed dhigaya in xisbiyada siyaasadeed ee wadanka loo beddelo isbeheysiyo.
Qaar ka mid ah siyaasiyiinta xulafada la ah madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa arrinkan si wayn uga soo horjeestay.
Dood adag ayaa tan ilaa iyo saaka ka taagneyd xarunta baarlamaanka ee dalka iyadoo kalafhadiga baarlamaanka uu maanta hareeyay buuq aad u xoogan.
Xildhibaanada ayaa u codeynayay xeerar dhowr si loo meel mariyo.
Xeerarka la codeynayay waxaa ugu waaweyn midka hindise sharciyeedka dhigaya in xisbiyada siyaasadeed ee wadanka loo beddelo isbeheysiyo.