Kenya iyo Maraykanka oo ka wada hadlay xaaladaha Itoobiya iyo Soomaaliya

0
685

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta iyo xoghayaha waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa yeeshay wada hadal dhanka taleefoonka ah.
Waxay diiradda saareen sida lagu dejin karo xasaradaha ka taagan dalka Itoobiya iyo dardargelinta doorashooyinka waddanka Soomaaliya.
Labada mas’uul ayaa isla gartay in dhinacyada isku haya siyaasadaha Soomaaliya iyo Itoobiya laga doonayo inay ka tanaasulaan fal kasta oo keeni karo in isfahan waaga uu sii jiro.
Intii ay wada hadallada socdeen , Antony Blinken ayaa muujiyay taageerada ay dowladda Maraykanka u hayso dadaallada dhexdhexaadinta ee madaxweyne Kenyatta iyo ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan geeska qaaradda, Olusegun Obasanjo.