Wasiirka waxbarashada oo digniin u diray ardayda uunan habdhaqankoodu wanaagsanayn

0
331

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa digniin adag u diray ardayda sameeya falalka wax u dhimaya habsami u socodka howlaha tacliinta.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo lagu wado in bisha Jannaayo ee sanadka cusub dib loo furo dugsiyada wadanka.
Magoha ayaa macallimiinta ku boorriyay inay dabagal dheeraad ah ku sameeyaan ardayda aan u hoggaansamin shuruucda lagu maamulo goobaha waxbarashada.
Waxaa uu ku celceliyay inay lagama maarmaan tahay in laga hor tago dhacooyinka lagu gubo dugsiyada.
Wasiir Magoha ayaa waalidiinta uunan wanagsanayn habdhaqanka carruurtooda ku boorriyay inay guriyaha ku haystaan halkii ay u diri lahaayeen dugsiyada si aynan dhibaato ugu gaysan kaabayaasha tacliinta.
Waxaa uu tilmaamay in waalid kasta ay mas’uuliyad ka saaran tahay wanaajinta edebta canugiisa sidaas awgeedna haddii uu fal dambiyeed gaysto lagula xisaabtamaya.