Madaxweynaha Poland oo diiday sharci muran dhaliyay

0
347

Madaxweynaha dalka Poland Andrzej Duda ayaa codka qayaxan ku diiday hindise sharciyeedka warbaahinta oo dadka dhaleeceeya ay sheegeen in looga gool leeyahay in lagu aamusiyo TVga N24 ee dalka maraykanka laga leeyahay.
Madaxweyne Duda oo go’aankiisa maanta ku dhawaaqay ayaa xusay in sharcigaan la soo jeediyay uu ahaa mid aysan jeclaysan bulshada dalkaas sidoo kalen uu u muuqday in lagu waxyeeleeyo sumcada Poland oo ah meel ganacsi badan laga sameeyo.
“ waan diidanahahay,” Duda ayaa ku yiri hadal telefeshinka laga sii daayay kadib dhaleecayn xooggan oo sharcigaan kaga timid midowga yurub iyo maraykanka
Sharcigaan oo dhawaan uu ansixiyay baarlamaanka Hoose ee Poland ayaa ka hor istaagi lahaa Hay’adakasta oo aan Yurub laga lahayn inay yeelato wax ka badan 49 boqolkiiba saamiga Telefeshinka ama Idaacada Poland.
Dad badan oo wadankaas u dhashay ayaa u arka sharcigaan oo ay dabada ka riixayaan Xisbiga sharciga iyo cadaalada PIS oo uu madaxweyne Duda la safan yahay isku day lagu doonayo in lagu aamusiyo baahinta wararka madaxa banana iyo inta badan dhaliilaha maamulka loo soo jeediyo wallow ay horay baarlamaanka Poland u ansixiyeen sharciga lahaanshaha warbaahinta ee muranka badan dhaliyay.
Mudaharaadyo balaadhan ayaa dalkaas ka dhacay waxaana lagu taageerayay madaxbanaanida iyo xoriyada hadalka sidoo kale shirkada Discovery ayaa ku hanjabtay inay Poland ku dacweyn doonto maxkamada caalamiga ee sharciga.
Balse dowlada ayaa ku dooday inuu sharcigaan ka ilaalin doono muuqaalka warbaahinta Poland waxa loogu yeeray jileyaasha cadaawada leh sida Ruushka,madaxweyne Duda ayaa sheegay inuu ku raacsan yahay mabda’ ahaan maadaama dalal kale sida US, France iyo Germany ay leeyihiin sharciyo kan la mid ah.
Afhayeenka gudiga Midowga Yurub Christian Wigand ayaa sharcigaan dhaleeceeyay isagoo sheegay inay keeni karto khatar weyn oo dhanka xoriyada hadalka ah.
Ilaa markii Xisbiga PiS loo doortay hogaanka dalkaas 2015-kii Poland waxay hoos u dhigtay 46 boos suxufiyiinta aan xuduurka lahayn sidoo kalena waxay hoos u dhacday kaalinta 64-aad.