Ruto oo taageero badan lumiyay marka la barbardhiga Raila

0
452

Warbixin cusub oo dhawaan ay samaysau shirkada Cilmi-baarista ee Infotrak ayaa muujinaysa in hogaamiyaha xisbiga ODM ay Raila adinga at taageeradiisu gaarayso 33 boqolkiiba halka madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto taageeradiisa lagu sheegay 32 boqolkiiba.
Ra’yi aruurintaan ayaa la sameeyay intii u dhexeyasay 17 December ilaa 22 isla bsihaan December waxaana lagu waraystay dad ay tiradoodu gaarayso 1,600 oo qof ayaa lgu sheegay in taageerada madaxweyne ku xigeenka ay 12 boqokiiba hoos uga dhacday xiligaan oo kale Sanadkii hore oo uu haystay taageero gaaraysa 44 boqolkiiba.
Sidoo kale waxay warbixinta ku sheegeen in taageerada Raila ay 20 boqolkiiba kor u kacday maadaama sanadkii hore ay maraysay 13 boqokiiba.
Angela Ambitho maamulaha guud ee ahya’ada Infotrak ayaa arintaan u sababeeyay ku dhawaaqidii rasmiga ahayd ee Mr Odinka uu sameeyay 10 bishaan taasoo uu ku cadeeyay inuu u tartamayo xilka dalka ugu sareeya ee madaxtinimada doorashada sanadka danbe.
Madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa taageerada ugu badan ka helay gobolka Bartamaha dalka oo ah 42 boqolkiiba hogaamiyaha ODM wuxuu gobolkaas ka helay 16 boqolkiiba halka Nairobi ay kala saraynta ka Helene 32 boqolkiiba iyo 28 boqolkiiba.
33 ka mid ah dadka cilmi baaristaan ka qayb qaatay ayaa sheegay inay doorbidayaan xisbiga UDA marka la barbar dhigo ODM oo tiraasi ka heleen 32 boqolkiiba.
Dhanka kale 28 boqolkiiba oo ka mid ah dadkii la waraystay ayaa sheegay inaysan ka warqabin jiritaanka isbahaysiga OKA,warbixintaan ayaana sidoo kale shaaca ka qaaday in boqolkiiba 52 dadka la waraystay ay taageersan yihiin in lakala diro isbahaysiga OKA taas badalkeedana la taageero Raila ama Ruto midkood halka boqolkiiba 20 ay ra’yigaas ka soo horjeedaan.
55 boqolkiiba dadka doonaya in la kala diro OKA ayaa waxay doorbidayaan in Raila la taageero halka 45 boqolkiiba ay doonayaan in madaxweyen ku xigeenka dalka la taageero.
Hogaamiyaha xisbiga ANC Musalia Mudavadi ayay sheegeen inuu ku haboon yahay jagada madaxweyne ku 46 boqolkiiba waxaana la mid ah hogaamiya Wiper Kalonzo Musyoka Gideon Moi wuxuu taageero haystaa 11 boqolkiiba halka hogaamiyaha Ford Kenya Moses Wetangulala sheegay inuu taageero haysto 3 boqolkiiba.