Dowlada Kenya ayaa manta diiwaangalisay xaalado cusub oo codvid 19 ah kuwaasoo lagu qiyaasay sare u kac boqolkiiba 37.6 ah kadib markii la xaqiijiyay 1,596 xaaladood oo cusub 24-kii saac ee la soo dhaafay kuwaasoo laga soo saaray dheecaanka 4,242 qof oo baaritaano lagu sameeyay.
Sida lagu sheegay bayan ka soo baxay wasiirka wasaarada caafimaadka Kenya Mutahi Kagwe dadka cusub ee la diiwaangaliyay 1,454 ka mid ah waa muwaadiniin dalka u dhashay halka 142 kalena ay dalal kale ka soo jeedaan.
879 ayaa dumar ah halka raguna ay yihiin 717 kuwaasoo qofka ugu yahay 8 bilood jiro kan ugu weyna uu 91 snao jiro.
Guud ahaan xaaladaha dalka laga diiwaangaliyay ayaa hada gaaray 284,150 guud ahaan dadka cudurka laga baarayna waa 2,994,912.
Wasiirka caafimaadka dalka ayaa dhanka kale ku booriyay maqaayadaha iyo guud ahaan goobaha dadweynaha inaan la qaabilin dadka aan cudurka iska talaalin wuxuuna intaasi ku daray inay shaqsiyaadka talaalka qaadanaya ay xogtooda hubiyaan maadaama ay soo baxeen kiisas xog khaldan wata.
Wasiirka caafimaadka ayaa sheegay in 330 qof ay cudurka ka soo caafimaadeen dadkaas 196 ka mid ah waxaa laga saaray guud ahaan xarumaha caafimaadka ee dalka halka 134 ka mid ahna ay yihiin dadka guryaha lagu daryeelay.
Tirade guud ee xanuunka ka bogsaday waa 250,326 201,604 ay yihiin dadka guryaha lagu daryeelay halka 48,722 lagu daaweeyay xarumaha caafimaadka.
Wasaarada ayaa sheegtay inay sadex qof oo gadaal laga ogaaday Cudurka u dinteen taasoo tirade guud ee dhamashada gaadhsiisay 5,364.
Ismaamul goboleedyada dadka ku sugan ay talaalka qaateen hadaan eegna Nairobi ayaa ugu horaysa waxaana lagu sheegay 32.8% Nyeri 30.0%, Laikipia 23.5%, Kiambu 21.6%, Taita Taveta 17.6%, Murang’a 17.2%, Uasin Gishu 16.8%, Kakamega 16.4%, Machakos 16.2%, Kirinyaga 16.2%, Nyandarua 15.7% iyo Nakuru 15.2%.