Hoggaamiyaha xisbiga ANC Musalia Mudavadi ayaa ku dhaliilay xoghayaha guud ee ururrada shaqaalaha ee COTU Mr. Francis Atwoli kulanka siyaasadeed ee uu ku qaban qaabinayo fagaaraha Bukhungu ee ismaamulka Kakamega.
Ra’iisul wasaare ku xigeenka hore ee dalka oo caddeeyay inuusan ka qayb geli doonin shirkan oo dhacaya 31-ka bishan ayaa sheegay in Atwoli uusan wax shaqo ah ku lahayn inuu isugu yeero kulan siyaasadeed.
Waxaa uu ku eedeeyay Atwoli inaysan jirin kursi siyaasadeed ee uu raadinayo, isagoo ugu baaqay inuu siyaasadda lugta kala baxo.
Tani ayaa timid ka dib markii shir uu qabanqaabadiisa qayb ka yahay xoghayaha guud ee ururrada shaqaalaha ee COTU Mr. Francis Atwoli uu ka dhacayo gobolka galbeedka dalka.
Kulankan ayaa la doonayaa in gobolka galbeedka wadanka taageero loogu muujiyo hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga kaas oo 10-kii bishan shaaciyay inuu markii shanaad isu soo sharraxayo xilka madaxtinimo ee dalka.