Naivasha:Sarkaal dil u gaystay taliyihiisa oo gacanta lagu dhigay

0
301

Waxaa lagu soo warramayaa in gacanta lagu dhigay askari ka tirsan ciidamada booliska dalka kaas oo maalin ka hor dilay sarkaalkii madaxa uu ahaa.
Dhacdadan ayaa laga soo tabiyay magaalada Naivasha ee ismaamulka Nakuru maalintii ciidda misiixiyiinta ee Christmas.
Sarkaalka dilka gaystay oo lagu magacaabo Joseph Muthungu, ayaa taliyihii ka sarreeyay ku dilay beerta Kedong ee magaalada Naivasha.
Warbixin horudhac ah oo baaris ah ayaa sheegeysa in sarkaalku uu xerada booliska yimid isagoo sakhraansan, waxaana uu muran dhex maray taliyihii ka sarreeyay kaas oo su’aalo ka weydiiyay sababta uu xilli dambe uu yimid, xilli ay ahayd inuu habeenkii xilli hore shaqada soo galo.
Sarkaalka dilka gaystay ayaa rasaas ku furay taliyihiisa ka hor inta uusan baxsan.
Waxaa dalka muddooyinkii dambe kusoo badanayay kiisaska la xiriira dilalka saraakiisha booliska ay u gaysanayaan asxaabtooda ama xaasaskooda, taas oo loo aaneynayo caqabadaha la xiriira walaac jiro.