Israa’iil oo sare u qaadaysa deegaamaynta Golan

0
503

Maamulka Israa’iil ayaa maanta oo Axad ah ansaxiyay qorsho ku kacaya 317 milyan oo doolar.
Waxaa qorshahan looga gol-leeyahay in lagu laba jibbaaro deegaamaynta bulshada Yuhuudda ee buuralayda Golan Heights.
Afartan sano ka hor ayay ahayd markii Israa’ii ay buuraha Golan Heights ka goosatay dhul-weynaha dowladda Suuriya.
Golaha wasiirada ee xukuumadda ra’iisul wasaare Naftali Bennett ayaa si aqlabiyad leh codkooda ugu taageeray dhisidda 7,300 oo guriyo ah.
Qorshahan ayaa la fulinaya muddo shan sano gudahood ah.