DHAGEYSO:Musalia Mudavadi oo ku gacan seyray taageeridda musharrax kale

0
405

Madaxa xisbiga ANC Musalia Mudavadi ayaa gaashaanka u daruuray baaqyo dhawaan loo jeediyay oo ah in sanadka 2022-ka uu taageero musharraxnimada madaxweynenimo ee dhigiisa ODM Raila Odinga ama ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto.
Xilli uu maanta ku sugnaa ismaamulka Vihiga ayuu ra’iisul wasaare ku xigeenkii hore ee Kenya carrabka ku adkeeyay in aan loo baahneyn in cadaadis lagu saaro cidda uu taageerayo.
Waxaa uu ku celceliyay inuusan ka tanaasuli doonin rabitaankiisa ah in sanadka 2022-ka uu u tartamo hoggaanka ugu sarreeya wadanka.
Mudavadi oo sheegay in go’aanka kama dambeyska ah ee cidda xigta ee qabanaysa talada dalka ay leeyihiin codbixiyeyaasha kenyaanka ah ayaa waxaa hadaladiisa ka mid ahaa.

Hadalka hoggaamiyaha xisbiga ANC ayaa ku soo beegmaya iyadoo la filayo in dhammaadka bisha koowaad ee sanadka soo socdo isbeheysiga OKA oo ay sidoo kale xubno ka yihiin KANU,Ford-Kenya iyo Wiper uu soo bandhigo musharraxiisa madaxweynenimo .