Raila Odinga oo rajo wanaagsan ka muujiyay inuu ku guulaysan doono hoggaanka dalka

0
325

Madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ayaa sheegay inuu rajeynayo in sanadka soo socdo ay soo dhisi doonaan maamul dowladeed.
Waxaa uu xusay in haddii xisbiga ODM uu bisha siddeedaad ee sanadka 2022-ka ku guulaysto hoggaanka wadanka , uu isbeddel ballaaran sameyn doono.
Mr. Odinga ayaa xilli uu ku sugnaa dowlad deegaanka Kisumu shacabka halkaasi ku nool ka codsaday in 6-da kursi ee hoggaanka ee madaxweynaha , barasaabka ismaamulka, senatarka , xildhibaanada , wakiilka haweenka iyo wakiillada deegaanada hoose ay u doortaan musharraxiin ODM matalaysa.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa sheegay in la joogo xilligii dadaal badan lagu bixin lahaa in loo codeeyo mas’uuliyiin waxtar leh.
10-kii bishan Diseembar ayay ahayd markii uu hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga uu shaaciyay inuu sanadka soo socdo markii shanaad u tartami doono xilka madaxtinimo ee dalka.