DHAGEYSO:Xildhibaanada oo looga digay inay laaluush ku qaataan ansaxinta xeer muhiim ah

0
321

Iyada oo 29-ka bishan golaha qaran ee xeer dejinta uu yeelanaya kal-fadhi gaar ayaa waxaa digniin loo diray xildhibaanada.
Madaxa kaniisadda Katholigga ee ismaamulka Mombasa Martin Kivuva ayaa xubnaha baarlamaanka kula taliyay inay ka fogaadaan iskuday kasta oo saameyn karo go’aankooda xita haddii ay ka mid tahay in laaluush lagu qanciyo.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in ansaxinta iyo dhinac iskaga dhigidda xeerarka kala duwan la doonayo in lagu saleeyo danta shacabka.

Maalinka Arbacada ayuu qorshuhu yahay in mudanayaasha baarlamaanka ay ka doodaan hindise sharciyeed muran dhaliyay oo horay loo hakiyay.
Hindisaha ayaa dhigaya in xisbiyada siyaasadeed ee dalka loo beddelo isbeheysiyo si ay u qaybsadaan dhaqaalaha ka dhexeya.