Dowladda dalka Faransiiska ayaa markii ugu horreysay si maalinla ah u diiwaangelisay xaaladaha cudurka COVID-19 oo gaaraya 104,611.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo berri la filayo in madaxweynaha dalkaasi Emmanuel Macron uu kulan la yeesho xubno muhiim ah oo ka tirsan maamulkiisa.
Waxaa shirkaasi diiradda lagu saari doonaa tallaabooyinka badbaadada ee ka dhanka ah caabuqa.
Waxaa ilaa iyo hadda gudaha dalka Faransiiska cudurka ugu dhintay 122,546 qof.
Dhanka kale dawooyinka tallaalka COVID-19 ayaa waxaa ilaa iyo hadda la siiyay boqolkiiba 76.5 ee tirada dadweynaha dalkaasi.




