Dhowr qof oo ku dhintay weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay DRC Congo

0
369

Waxaa lagu soo warramayaa in qof isa soo miidaamiyay uu weerar ku qaaday goob makhaayad ah oo ku taalla magaalada Beni ee bariga Jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo ee DRC, halkaas oo uu ku dilay ugu yaraan shan qof.
Qofka isa soo miidaamiyay ayaa isla goobta ku geeriyooday.
Bayaan uu soo saaray afhayeenka guddoomiyaha gobolka waqooyiga Kivu ayaa lagu sheegay in qofka isa soo miidaamiyay ay ilaalada makhayaadda ka hor istaageen inuu gudaha u galo goobtaasi, balse uu isku qurxiyay illinka hore ee laga galo xaruntaasi.
Waxaa uu intaa ku daray in weerarka ay ku dhaawacmeen 14 qof oo ay ku jiraan labo mas’uul oo deegaanka ah.
Xukumadda Kinshasa, ayaa weerarkan mas’uliyadiisa dusha ka saartay kooxda ADF oo iyadu falal amni darro ah ka gaysata wadankaasi, islamarkaana xiriir la leh kooxda isku magacowday dowladda islaamka ee ISIS garabkeeda bartamaha Afrika.
Mid ka mid ah ilo-wareedyo ka tirsan xarunta dowladda hoose ayaa wakaaladda wararka AFP u sheegay in laba carruur ah ay ku jiraan dadka dhintay iyo sidoo kale laba sarkaal oo maxalli ah.
Goobjoogayaal ayaa dhanka kale wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in goobta makhaayadda ay ku damaashaadayeen dad u dabaal deggaayay ciidda Christmas.
Afhayeenka booliiska ee Jamhuuriyadda DRC Nasson Murara ayaa sheegay in askartu ay rideen rasaas nool si ay u kala eryaan dad careysan oo isku dayay in ay baarayaasha ka hor istaagaan in ay galaan goobta uu qaraxu ka dhacay.
Waxaa uu intaa ku daray in rasaastaasi aysan cidna wax ku noqon.
Magaalada Beni, oo ku taalla bariga DRC islamarkaana xudduud la ah dalka Uganda, ayay s joogta ah uga dhacaan iska hor imaadyada u dhaxeeya ciidamada dowladda jamhuuriyadda Congo iyo kooxda ADF.
Bishii Lixaad ee sanadkan ayay ahayd markii saddex bam ah ay gilgileen bariga dalkaasi, iyadoo mas’uuliyiinta ay xilligaasi ka digeen weerarro kale.
Dabayaaqadii bishii hore, dowladaha DRC iyo Uganda ayaa bilaabay howlgal ka dhan ah kooxda ADF ee bariga dalka Congo, ka dib markii ciidamada DRC ay la halgamayeen bilo si ay u xakameeyaan weerarrada dhiigga badan ku daato ee ay gaystaan ADF.