Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Booliska Kenya oo baaraya afduub la sheegay in lagula kacay Dennis Itumbi

Booliska Kenya oo baaraya afduub la sheegay in lagula kacay Dennis Itumbi

Waaxda qaran ee adeegga booliska ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ciidamada ammaanka ay guda galeen baaritaano ku aaddan afduub la soo tabiyay in loo gaystay Dennis Itumbi oo xafiiska madaxweyne ku xigeenka wadanka William Ruto u qaabilsan istaraatiijiyadda dhanka dijitaalka.
Afhayeenka waaxda (NPS) ,Bruno Shioso ayaa qoraalka ku xusay inay doonayaan xaqiijinta sababta keentay afduubka iyo cidda ka dambeysa.
Waxaa uu shacabka ka codsaday in ciddii hayso xog arrinkan ku saabsan ay ku wargeliso xarunta booliska ee ugu dhow.
Dacwad ku saabsan maqnaanshaha Dennis Itumbi ayaa abaare 3:40 daqiiqo ee galabnimo ee shalay laga diiwaangeliyay saldhigga booliska ee Thindigua oo ka tirsan ismaamulka Kiambu sida ku cad nambarka diiwaanka dhacdooyinka ee OB-ga oo ah 10/23/12/2021.
Dennis Itumbi ayaa la waayay gelinkii dambe ee shalay ka dib markii rag aan la aqoonsan ay ka kaxeeyeen degmada Thindigua xilli uu ka soo baxay goob timaha lagu jaro.
Itumbi oo ka mid ah shakhsiyaadka sida wayn u isticmaalo baraha bulshada ayay wararku sheegayaan in si khasab ah gudaha loogu geliyay baabuur ah nooca Toyota Premio .

Warbaahinta maxalliga ee Citizen TV ayaa ku warramaysa in goobjoogayaal ay u sheegeen inay arkeen saddex qof oo rag ah kuwaasoo Dennis Itumbi ku qaaday qaybta dambe ee baabuurka una soo kaxeeyay dhanka magaalada Nairobi.
David Itumbi oo ay walaalo yihiin Dennis Itumbi ayaa barta Twitter-ka soo dhigay qoraal iyo sawirro muujinaya inay agaasimaha istaraatiijiyadda dijitaalka ee xafiiska madaxweyne ku xigeenka dalka ku arkeen isbitaal ku yaalla agagaarka waddada wayn ee Thika isagoo si xun loo jirdilay.
Waxaa uu xusay in walaalkii uu u sheegay in shakhsiyaadka gacanta ku dhigay ka dibna jirdilay ay yihiin saraakiil boolis in kastoo dowladdu aynan weli eeddan qiran ama iska fogeyn.
Afhayeenka waaxda qaran ee adeegga booliska Mr. ,Bruno Shioso ayaa dadweynaha ku boorriyay inaysan wax mala-awaal tuhun ah sameyn inta ay baaritaannada socdaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments