Dhallinyarada oo lagu boorriyay inay ka faa’iidaystaan barnaamijyada awoodsiinta ee dowladda

0
422

Afhayeenka dowladda dhexe Cyrus Oguna ayaa dhallinyarada ugu baaqay inay ka faa’iidaystaan barnaamijyada awoodsiinta ee maamulka Jubilee.
Xilli uu ku sugnaa ismaamulka Narok ayuu Oguna da’yarta ka dalbaday inay noqdaan kuwo hal-abuur leh oo ayna ka go’an tahay lahaanshaha xirfadaha shaqo.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in dowladda dhexe ay dadaal ku bixisay sidii fursado shaqo loogu abuuri lahaa dhallinyarada oo tiro ahaan ugu badan wadanka.
Cyrus Oguna, afhayeenka dowladda dhexe ayaa tusaale u soo qaatay barnaamijka loo yaqaano Kazi Mtaani oo loogu talagalay inay dhaqaale ka helaan shakhsiyaadka uu qutul maalmeedkooda saameeyay cudurka COVID-19.
Waxaa uu sheegay in bishan gudaheeda la daahfuri doono wajiga saddexaad ee barnaamijka nadiifinta degmooyinka ee Kazi Mtaani.
Waxaa laga fulinayaa in ka badan 900 oo ah xaafadaha aan sida rasmiga ah loo deegaamayn guud ahaan 47-da ismaamul ee ay Kenya ka kooban tahay iyadoo howshan ay ku baxayso lacag dhan 10 bilyan oo shilin.
Cyrus Oguna ayaa tilmaamay in codsiyada la xiriira ka qayb galka barnaamijkan lagu qaban doono qaab online ah.
Sidoo kale afhayeenka dowladda dhexe ayaa soo hadal qaaday barnaamijka loo yaqaano Ajira Digital ee looga gol-leeyahay in dhallinyarada ay helaan xirfado ay uga shaqeysan karaan baraha dijitaalka ah.
Sidoo kale waxaa jira Future Bora oo ay micnaheedu tahay mustaqbal wanaagsan iyadoo ujeeddada laga leeyahay ay tahay in meesha laga saaro caqabadaha ay dhallinyarada kala kulmaan shaqo raadinta iyo fursadaha kale ee dhakhliga laga helo.
Waxaa uu afhayeenka dowladda dhexe mar kale carrabka ku adkeeyay in qandaraasyada dowladda boqolkiiba 30 loo qoondeeyay dhallinyarada.
Barnaamijyada awoodsiinta ee dowladda dalkani Kenya waxaa ka mid ah Uwezo Fund oo loogu tala galay in lacago amaah ah lagu siiyo haweenka, dhallinyarada iyo naafada si ay u kobciyaan ganacsiyadooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here