Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa diiwangalisay maanta kiisas dhan 3,746 ka dib markii baaritaano lagu sameeyay dheecaan dhan 11,537.
Heer caabuqa ayaa dalka maraya maanta boqolkiba 32.5%.
Nayroobi 1,600, Kiambu 344, Nakuru 236, Mombasa 160, Kakamega 127, Kajiado 113, Kericho 97, Nyeri 97, Siaya 96, Kisumu 91, Uasin Gishu 84, Murang’a 58, Nyandarua 53, 53 Kilthiga, Nyandarua Vifika 41, Laikipia 41, Bungoma 40, Machakos 37, Bomet 32, Noma bay 31, West Pokot 29, Taita Taveta 29, Embu 25, Makueni 24, Busia 24, Meru 23, Migori 20, Kisii 20, Garissa 17 Baringo 14, Kitui 13, Narok 9, Elgeyo Marakwet 2, Wajeer 1, Nandi 1 iyo Lamu 1.
60 bukaan ah ayaa ka bogsatay Viruska tan ayaana bogsashada guud ka dhigaysa 249,617.
Halka hal bukaan ah ayaa Corona Kenya ugu geeriyooday maanta,dhimashada guud ayaa maraysa 5,356.
Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa Khamiista maanta ah sheegtay 154,887 qof laga talaalay maanta oo kale caabuqa COVID 19 taas oo ay ku tilmaameen rikoor aad u weyn.




