Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka oo uu saameeyay COVID-19

0
310

Waxaa lagu soo warramayaa in qaar ka mid ah xubnaha baarlamaanka dalka iyo shaqaalaha golaha uu saameeyay cudurka COVID-19.
Baarlamaanka ayaa labadii maalmood ee ugu dambeeyay yeelanayay kal-fadhiyo gaar ah.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in karaaniga baarlamaanka Michael Sialai uu arrintan xaqiijiyay in kastoo uu ka gaabsaday inuu tirada rasmiga ah shaaciyo.
Hasa ahaate xildhibaanadda deegaanka Kandara Alice Wahome ayay wararku tilmaamayaan in tirada uu cudurka ku dhacay ay ku sheegtay ilaa 8.
Sialai ayaa bayaan uu soo saaray ku xusay in siyaasiyiinta uu haleelay caabuqa corona laga dalbaday inay is gooni yeelaan iyagoo raacaya tilmaamaha wasaaradda caafimaadka ee dalka.