Waaxyo ay suurtagal tahay inay meesha ka baxaan haddii la ansaxiyo xeerka Huduma

0
788

Haddii golayaasha xeer dejinta ee dalka ay ansaxiyaan hindise sharciyeedka Huduma Bill 2021 waxaa suurtagal ah in meesha laga saaro waaxyo dowladeed oo sanado badan u adeegayay dadweynaha.
Hindisaha waxaa lagu soo jeediyay in la sameeyo hannaan lagu keydinayo sidoo kalena loo adeegsanaya maareynta shaqooyinka qaar sida bixinta shahaadooyinka dhalashada, dhimashada iyo dokumeentiyada socdaalka.
Ku dhawaad hal toddobaad ka hor ayay ahayd markii baarlamaanka uu daabacay hindise sharciyeedkan.
Soo jeedintan oo ka timid hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Amos Kimunya ayaa waxaa ka soo horjeestay siyaasiyiin uu ka mid yahay senatarka ismaamulka Narok Ledama ole Kina.
Senatarka ayaa hindise sharciyeedkan ku tilmaamay mid halis ah oo meesha ka saaraya waajibaadka saraakiil muhiim ah.
Sidoo kale waaxda socdaalka ee dalka ayaa dhaliishay hindise sharciyeedkan maadaama sida ay ku doodayso uu kulminaya shaqooyin kala duwan.
Waxay waaxdu doonaysa in arrintan si buuxda looga qayb geliyo dadweynaha maadaama soo jeedinta ay qayb ka tahay in xita guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC uu hannaanka la sameynaya u adeegsan karo diiwaangelinta
codbixiyeyaasha dalka.