Guddoomiyaha cusub ee guddiga adeegga dadweynaha oo xilkiisa loo dhaariyay

0
297

Waxaa xilka guddoomiyaha guddiga adeegga dadweynaha ee PSC loo dhaariyay Ambasadoor Anthony Mwaniki Muchiri oo dhawaan la magacaabay.
Mas’uulkan ayaa buuxinaya jagadii uu bishii shanaad ee sanadkan baneeyay Stephen Kirogo oo geeriyooday xilli lagu dabiibayay isbitaalka Nairobi Hospital.
Waxaa Anthony xilka u dhaarisay madaxa diiwaangelinta ee waaxda garsoorka dalka Ms. Anne Amadi
Madaxa cadaaladda ee dalka Martha Koome ayaa guddoomiyaha PSC ku boorrisay inuu xaqiijiyo in dhammaan adeegyada dadweynaha ay yihiin kuwo wax ku ool ah.
Waxay kula talisay inuu ka shaqeeyo sidii saraakiisha dowladda ee shacabka u adeega ay u haqabtiri lahaayeen baahiyaha bulshada.
Martha Koome ayaa hoosta ka xarriiqday in guddiga adeegga dadweynaha ee PSC laga doonayo inuu ku shaqeeyo qaab ku saleysan daacadnimo, cadaalad iyo daahfurnaan sare .
Guddoomiyaha cusub ayaa dhankiisa ballanqaaday inuu isbeddel ballaaran ku sameyn doono guddiga PSC.