Maxkamad ku taalla dalka Tunisia ayaa hoggaamiyihii hore ee wadankaasi Moncef Marzouki ku ridday afar sano oo xabsi ah.
Amarkan ayaa la dul dhigay isagoo aan ku sugnayn xarunta maxkamadda.
Wakaaladda wararka ee Tunisia ee TAP ayaa ku warramaysa in mas’uulkan hore lagu soo oogay dacwad ah inuu sameeyay hagardaamo ka dhan ah amniga dalkaasi.
Horraantii sanadkan ayay ahayd markii Marzouki oo deggan magaalada Paris ee dalka Faransiiska uu dhaliil u jeediyay madaxweynaha hadda hoggaamiyo Tunisia ee Kais Saied oo uu sheegay inuu abaabulay inqilaab.
Waxaa uu sidoo kale xilligaasi dowladda Faransiiska ugu baaqay inay joojiso taageerada ay siiso maamulka Kais.