Dowladda oo shaacisay talaabooyiin laga qaadayo dadka aan iska talaalin COVID 19

0
615

Dowladda, oo adeegsaneysa Wasaaradda Caafimaadka,ee dalka ayaa soo saartay tallaabooyin adag si ay Kenyaanka u qaataan talaalka ka dhanka ah caabuqa COVID-19 kaas oo sare u kacay.
Tan iyo markii faraca cusub ee Omicron kiisas ka mid ah laga helay Kenya waxaa soo laba kacleeyay oo sare u kacay Corona Virus.
Xoghayaha u qaabilsa maamulka caafimaadka ee dalka Dr. Mercy Mwangangi, ayaa mar ay maanta saxaafadda la hadlaysay sheegtay in 24-kii saac ee la soo dhaafay dalka laga diiwangaliyay kiisas dhan 3,328 ka dib markii baaritaano lagu sameeyay dheecaan dhan 11,197.
Dr. Mwangangi ayaa sidoo kale sheegtay in heerka COVID 19 ee dalka uu maanta marayo boqolkiba 29.7 boqolkiiba.
Waxaa ayna intaas ku dartay in 9.2 milyan oo Kenyan ah ilaa hadda laga tallaalay Virus-ka , taas oo ku dhaw 10 milyan oo ay dowladda hiigsanayso in ugu dambeyn bishan sii dhamaanaysa laga taalalo Kenyaanka ee COVID 19.
Kiisaska cusub ee maanta la xaqiijiyay ayaa muujinaysa in cudurka Corona Virus ee Kenya uu sare u sii kacayo.
Tan ayaana keentay in gudiga qaran ee ka hortaga xanuunka COVID 19 uu soo saaro talaabooyiin cusub oo lagu xakamaynaya faafitaankiisa.
Xog’hayaha maamulka caafimaadka u qabailsan dalka Dr Mercy Mwangangi ayaa sheegtay in wixii maanta ka dambeeya ,qof kasta oo shakhsi ahaan u doonaya adeegyada doolada laga rabo cadeeyn muujinaysa inuu qaatay talaalka COVID 19.
DR Mwangangi waxay intaas ku dartay in qof walba oo adeeg u raadsanaya dowladda,maqaayadaha,goobaha ay dadweynaha isugu yimaadaan ,xafladaha aroosyada,aaska,iyo dadaweynaha raacaya gaadiidka,tareenada iyo dadka adeegsanaya duulimaadyada diyaaradaha ee gudaha dhamaan waxaa laga doonayo cadeeynta talaalka caabuqa ee Corona Virus.
Sido kale daka imaanaya gudaha Kenya iyagana waxaa laga doonaya cadeynta muujinaysa inay heleen talaalka Virus-ka.
Sido kale dadka tagaya goobaha madadaalada ,ciyaaraha iyo goobaha ganacsiyada sida tukaamada waaweyn ee laga adeegto iyagana waxaa lagama maarn ah inay qaataan talaalka .
Dr Mwangangi ayaa sheegtay in hadii ay maamulayaasha goobaha ay shaacisay u hogaansami waayeen xaqiijinta ay dadka u soo adeeg doonanaya ay qaateen talaalka COVID 19 iyo in kale lagayaaba in lagala laabto shatiga ay ku shaqeynayaan ama leesimada.
Tan ayaana looga goleeyahay sidii dalka looga xakameyni lahaa faafida Xanuunka COVID 19.