Ku dhawaad 4,000 oo sanadkan ku dhintay dagaallada Syria

0
328

Dagaallada ka taagan wadanka Suuriya ayaa waxaa sanadkan gudihiisa lagu dilay 3,746 oo qof.
Tiradan ayaa shaaca looga qaaday warbixin ay soo saartay hay’ad si dhow ula socoto arrimaha baniaadanimo ee dalkaasi oo loo yaqaano SOHR.
Hay’adda ayaa intaasi ku dartay in dilalka 297 qof oo dadkan la mid ah loo adeegsaday qaraxyo iyo bambooyinka dhulka lagu aaso.
Dadka ku nafwaayay dagaallada 1,505 ka mid ah waa rayid iyadoo 360 ay carruur yihiin.
Tirada dhimashada ayaa ka hooseysa midii la diiwaangeliyay sanadkii hore oo ahayd 6,800 halka sanadkii ka sii horreeyay ee 2019-kii ay Suuriya ku dhinteen in ka badan 10,000 oo qof.
Dagaallada Suuriya oo soo jiray tan iyo sanadkii 2011-kii ayaa ilaa iyo hadda galaaftay nolosha ku dhawaad hal milyan oo qof waxayna sababeen barakicii ugu waynaa ee dagaallo ka dhashay tan iyo dagaalkii labaad ee dunida.