Kenya:In ka badan 60 idaacadood oo halis ugu jiro in hawada laga saaro

0
524

Maamulka isgaarsiinta dalka ee CA ayaa ku hanjabay in ay kala noqon doonaan mowjadaha laga dhageysto islamarkaana ay xiri doonaan in ka badan 60 idaacadood, ka dib markii ay ku guuldareysteen inay u hoggaansamaan shuruudaha bixinta shatiga ama leesimada muddada uu maamulkan uu cayimay.
Idaacadaha digninta la siiyay ayaa waxaa ka mid ah Capital FM, Risaala FM, Midnimo FM, Warsan, Wajir Radio iyo idaacado kalo oo maxalli ah.
Warbaahinadaan ayaa dhanka kale la sheegay in jebiyeen sharciga warfaafinta iyo Isgaarsiinta ee Kenya.
Agaasimaha guud ee maamulka isgaarsiinta wadanka Ezra Chiloba ayaa xusay in go’aankan uu yimid ka dib markii warbaahinnadaan ay ku guuldareysteen inay u hoggaansamaan bixinta shatiyada kala duwan ee muddada la doonayay sida ku qeexaan xeerka warfaafinta iyo isgaarsiinta Kenya ee la ansaxiyay sanadkii 1998-kii ee Kenya Information and Communications Act.
Maamulka isgaarsiinta dalka ee CA ayaa idaacadahan u qabtay muddo 30 cisho ay ugu hoggaansamaan shuruucda shati bixinta, islamarkaana haddii ay ku guuldareystaan hawada laga saari doono.
Waxaa sidoo kale liiskan ku jiro 18 ka mid ah idaacadaha uu maamulka CA ku sheegay kuwa aan ogolaansho heysan oo ku guuldareystay inay codsadaan shatiyada baahinta.