Aqalka sare ee dalka ayaa shalay dhinac iskaga dhigay isbeddelo lagu sameeyay hindise sharciyeedka lacagaha la siiyo dowlad deegaanada .
Tani ayaa imaanaysa iyadoo golaha hoggaamiyaasha ismaamullada ee COG uu dhawaan walaac ka muujiyay qaab uu jaangooyay maamulka qoondeynta dakhliga ee CRA.
Barasaabyada ayaa ku doodaya in dhaqaalaha ay dowladda dhexe siiso aynan ku filnayn in si buuxda loo fidiyo adeegyada dadweynaha ku nool deegaanada hoose ee wadanka.