Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa shaaciyay tallaabooyin dheeraad ah oo uu maamulkiisa kula tacaalaya sare u kaca ku yimid xaaladaha nooca cusub ee cudurka COVID-19 ee Omicron.
Tallaabooyinka waxaa ka mid ah in dadweynaha si lacag la’aan ah looga baarayo caabuqa corona iyagoo guriyahooda ku sugan.
Mr. Biden ayaa hoosta ka xarriiqay in laga billaabo bisha koowaad ee sanadka soo socdo la adeegsan doono ilaa 500 milyan oo ah agabka lagu sameeyo baaritaannada degdegga ah.
Sidoo kale in ka badan 1,000 sarkaal oo military ah ayaa caawin doono isbitaallada ay buux dhaafiyeen bukaannada uu soo ritay xanuunka.
Gudaha Maraykanka, xaaladaha corona ee laga diiwaangeliyay ayaa boqolkiiba 73 lagu sheegay nooca cusub ee Omicron.




