Afhayeenka dowladda dhexe ee dalka oo ka hadlay dadka aan wali qaadan talaalka COVID 19 iyo amarkii ay horay dowladda u soo saartay

0
620

Kenyaanka ayaa maanta helayay adeegyada dowladda sida caadada ahayd xili ay dhawaan xukumadda dalka shaacisay in Kenyaanka aan qaadan talaalka COVID 19 uusan heli doonin adeegyada dowladda.
Tan iyo markii ay amarkaas soo saartay dowladda ,Kenyaan badan ayaa la arkayay iyaga oo qaadanaya talaalka caabuqa.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mutahi Kagwe ayaa sheegay in 21-ka bishan December oo maanta ku beegan in Kenyaanka aan qaadan talaalka xanuunka Corona Virus laga mamnuuci doono inuu helo adeegyada dowladda.
Afhayeenka dowladda dhexe ee dalka Cyrus Oguna ayaa Talaadada maanta ah sheegay in dowladdu ay joojin doonto adeegyada ay siinayso dadka aan qaadan talaalka COVID 19.
Oguna ayaa sheegay in talaalka uu shkhsi ahaan iyo dadka kaleba ka ilaalinaya inuu ku dhaco Virus-ka.