In ka badan 70,000 oo ku barakacay daadadka Malaysia

0
436

14 qof ayaa ilaa iyo hadda la xaqiijiyay inay ku dhinteen dalka Malaysia ka dib fatahaado ku dhuftay oo dhanka kale barakiciyay ugu yaraan 70,000 oo qof.
Kumanaan ka mid ah howlwadeenada waaxyaha gurmadka iyo samatabixinta oo ay ku jiraan ciidamada militariga ee dalkaasi ayaa la howlgeliyay si ay cunno ugu qaybiyaan dadka ay dhibaatadan sida gaarka ah u taabatay.
Daadadka oo lagu sheegay kuwii ugu darnaa muddo sanado ah ayaa ka dhashay roobab culus oo maalmo da’ayay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in magaalooyin iyo tuulooyin dhowr ah ay saameeyeen biyo xad dhaaf ah oo jaray waddooyin waawayn.
Saameynta ugu wayn ee daadadka waxay soo gaartay gobolka Selangor oo ay ku nool yihiin dadka ugu tirada badan ee Malaysia.
Maxamad Awal oo ka mid ah ganacsatada magaalada Kuala Lumpur oo ay dukaankiisu biyaha buuxsameen ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in dhibaatada baaxaddan leh uunan arag in ka badan 24 sano.