Kalkaaliye gabadh 14 sano jir ah uureeyay oo lagu xiray Machakos

0
321

Ciidamada booliska ee deegaanka Yatta ee ismaamulka Machakos ayaa gacanta ku dhigay kalkaaliye ku eedeysan inuu uureeyay gabadh da’deedu lagu sheegay 14 sano .
Gabadhan oo dhigata fasalka koowaad ee dugsiga sare ayaa xadgudubkan lagula kacay bishii sagalaad ee sanadkii hore xilli ay daryeel caafimaad u raadsatay isbitaalka Kimutwa Wararka ayaa intaasi ku daraya in kalkaaliyaha uu dhuumaalaysi billaabay ka dib markii ay gabadha waalidiinteeda dhacdadan ku wargelisay.
Gabadha oo ka mid ah ardayda dugsiga sare ee St. Mary’s Languni ee Yatta ayaa ugu dambeyn umushay.
Eedeysanaha ayaa hadda lagu hayaa saldhigga booliska ee deegaanka Yatta ka hor inta aan galinka dambe ee maanta maxkamadda la soo taagin.