Roobab dheeraad ah oo la saadaalinaya inay dalka ka da’aan

0
392

Waaxda saadaasha hawada ee dalkani Kenya ayaa sheegtay in la rajeynayo inay qaybo badan oo wadanka ka mid ah roobab culus ka da’aan ilaa dabayaaqada toddobaadkan.
Meelaha la filayo in laga roobaysto waxaa ka mid ah buuraleyda bariga ,galbeedka, koonfurta iyo bartamaha gobolka Rift Valley, gobolka Xeebta , Waqooyi Bari iyo qaybo ka mid ah waqooyiga galbeed ee dalka.
Agaasimaha waaxda saadaasha hawada ee Kenya Stella Aura, ayaa sidoo kale sheegtay in laga cabsi qabo in dabeylo xooggan ay ku dhuftaan waqooyi bari iyo waqooyi galbeed ee dalka.
Waaxda ayaa xustay in la rajeynayo in ismaamullada xoolo dhaqatada ee Marsabit, Mandera, Wajeer, Garissa iyo Isiolo ay roobab ka da’aan labada galin ee maalintu ay ka kooban tahay.
Saadaasha waxaa qayb ka ah in dabeylo gaar ah laga dareemi karo ismaamullada Garissa, Marsabit iyo Isiolo .