Baarlamaanka Kenya oo maanta kal-fadhi gaar ah yeelanaya

0
326

Xubnaha golaha qaran ee xeer dejinta ayaa lagu wadaa inay maanta iyo berri yeeshaan kal-fadhiyo gaar ah oo uu qorshuhu yahay in lagu ansaxiyo hindise sharciyeedyo.
Siyaasiyiin uu ka mid yahay xildhibaanka deegaanka Garissa Township Aaden Barre Ducaale ayaa ka soo horjeeda isbeddel lagu sameynaya xeerarka siyaasadeed .
Xildhibaan Aaden Barre Ducaale ayaa xusay in hindise shariyeedka uu qeexaya in isbeheysi siyaasadeed la sameysan karo 6 bilood ka hor xilliga doorashada.
Waxaa uu ku doodayaa in tani ay tahay qorsho isbeheysiga OKA lagu cadaadinayo inuu qaato go’aan uu ugu biiraya hiigsiga Azimio ee Raila Odinga.
Mudanaha ayaa tilmaamay in isbeheysi siyaasadeed la soo dhisi karo xita hal bil ka hor codeynta.
Hoggaamiyihii hore ee aqlabiyadda baarlamaanka dalka ayaa sheegay inuu iskudayi doono in meesha laga saaro qodobbada qaar .
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in haddii uunan tani ku guulaysan uu maxkamadda dacwad geynaya.
Ilaa 6 qodob ayaa baarlamaanka hor yaalla hasa ahaate waxaa la filayaa inay dood abuurto soo jeedinta ah in xisbiyada siyaasadeed loo beddelo isbeheysiyo.
Xoghayaha arrimaha sharciga ee xisbiga UDA Edward Muriu ayaa sheegay in xisbi siyaasadeed aan laga dhigi karin isbeheysi iyadoo aan dastuurka wadanka u degsan la beddelin.