Shirkadda Moderna oo sheegtay inuu tallaalkeeda ka hortag u yahay Omicron

0
340

Shirkadda soo saarta tallaalka ka dhanka ah cudurka COVID-19 ee Moderna ayaa maanta sheegtay in tijaabooyinkoodu ay muujinayaan inuu tallaalku ka hortag deg deg ah u yahay nooca cusub ee fayraska ee loo yaqaano Omicron.
Baaritaannada la sameeyay ayaa muujiyay sida ay shirkaddu sheegtay in tallaalka Moderna uu sii ahaan karo qaybta koobaad ee difaaca nooca Omicron.
Waxay sidoo kale xuseen in go’aankan diiradda lagu saarayo tallaalka hadda jira ee mRNA-1273
Shirkadda ayaa wali qorshaynaysa inay soo saarto tallaal si gaar ah looga hortagayo nooca Omicron taasoo ay rajaynayso inay tijaabooyinka caafimaadka u gudbaan horraanta sanadka soo socda.