Hooyo iyo cunugeeda oo biyo ku qaadeen ismaamulka Kwale

0
281

Wararka ka imaanaya dowlad deegaanka Kwale ee gobolka Xeebta dalka ayaa sheegaya in haweeney 32 sano jir ah iyo cunugeeda oo 2 sanno jir ah ay ku qarqadeen wabiga Mwavumbo ee deegaanka Kinamgo ismaamul goboleedka Kwale.
haweenaydaan oo lagu magacaabi jiray Umazi Menza Kengo iyo Cunigeeda ayaa biyaha ku dhintay xili ay isku dayayeen inay ka gudbaan wabiga oo buuxdhaafay.
dadkaan ayaa doonayay inay dib ugu laabtaan gurigooda kadib markii ay kaniisad ka soo baxeen waxaana dhacdadaan xaqiijiyay taliyaha ciidanka booliska ee deegaanka ay dhibaatadaan ka dhacday oo lagu magacaabo Fred Ombaka oo sheegay inay socdaan dadaalo lagu soo saarayo maydadka labada qof.
dhacdadaan ayaa ku soo beegan tahay maamo kadib markii la sheegay in ilaa sadex caruur ah ay ku nafwaayeen isla wabigaas ayadoo aan wali maydadkoodii la soo saarin.