Ciidamada ilaalada xeebaha ee Kenya oo burburiyay agabka kallumeysiga sharci darrada ah

0
350

Ciidamada ilaalada xeebaha ee Kenya ayaa harada Victoria ee gobolka Nyanza ku burburiyay 83 xabo oo ah shabaqyada lagu kallumeysto oo sharci darro ah.
Shabaqyada lagu kalluumeysto ee sharci darrada ah ayaa qiimaheedu lagu sheegay 4.8 milyan oo shillin.
Hoggaamiyihii hor kacayay kooxda ilaalada xeebaha ee deegaanka hoose ee Bunyala ee ismaamulka Busia janeraal George Shiundu ayaa walaac ka muujiyay khasaaraha wayn ee ay kalluumeysatadu u geysanayaan adeegsiga agabka kalluumeysiga sharci darrada ah.
“Waan ka xunnahay inaan halkan u nimid inaan burburino hanti” ayuu yiri Mr.Shiundu
Waxaa uu intaasi ku daray inay burburiyeen tiro badan shabaqyada kallumeysiga loo adeegsado oo sharci darro ah.
Mr.Shiundu ayaa ku boorriyay qaybaha qaabilsan maamulka xeebaha inay midoobaan oo ay iibsadaan shabaqyada kalluumeysiga ee lagula taliyay kalluumeysatada,si looga fogaado khasaaro noocaan oo kale ah.
Waxaa uu dhanka kale guddoomiyaha deegaanka hoose Bunyala kula dardaarmay inay kalluumaysatada iyo hoggaankoodaba kula taliyaan inay sharciga dhawraan si looga fogaado inay khasaaro la kulmaan dadka kallumeysto.
Waxaa uu ugu dambeyn kula taliyay kalluumaysatadu inay isticmaalaan shabaqyada cabbirkoodu yahay 5-6 inji, halkii ay ka isticmaali lahaayeen shabaqyada sharci darrada.