Dubai oo hakisay dhammaan duulimaadyadii ka imaan jiray Kenya muddo 48 saacadood

0
585

Dowladda isu tagga imaaraatka carabta ayaa hakisay dhammaan duulimaadyadii ka imaan jiray Kenya iyo kuwa taraansitka ah.
Maamulka duulimaadyada Dubai ee DCAA ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in duulimaadyada ka imaanaya Kenya ay hakad ku jiri doonaan muddo 48 saacaadood laga bilaabo maanta.
Waxaa bayaanka qayb ka ah in macaamiisha ku safro duullimaadyada Emirates aysan soo safri karin wakhtiga uu hakadka jiro.
Waxaa uu intaa ku daray in tallaabadaan aysan saameyn ku yeelan doonin duulimaadyada ka imaanaya magaalada Dubai ee soo caga dhiganaya gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA ee magaalada Nairobi.
Maamulka duulimaadyada Dubai ayaa u soo jeediyay dadka ay saamayneysa tallabadaan, aan looga baahneen inay si degdeg ah u wacaan shirkadaha diyaaradaha ay tigidyada ka goosteen.
Waxaa lagula taliayay inay xajistaan tigidhada islamarkaana duulimaadkooda loo fasixi doono marka hakad la qaado.
Sidoo kale waxaa ilaa iyo hadda aan faahfaahin laga bixin sababto uu maamulka duulimaadyada Dubai ee DCAA uu hakad u geliyay dhammaan duulimaadyadii ka imaan jiray Kenya iyo kuwa taraansitka ah.