Waxaa xeryaha qaxootiga ee Dadaab ee ismaamulka Garissa maalmahan ka da’ay roobab xooggan oo aad loogu diirsaday inkastoo raxmadda Alle baahi badan loo qabay, kuleel badan iyo abaar darana la soo maray ayaa hadda waxaa jira khasaaro ka dhashay roobabkii xeryahaasi ka da’ay.
Ceel biyood ku yaalla xerada qaxootiga ee Xagardheer ayaa waxaa ku dhintay wiil yar ka dib markii sida la sheegay uu ku dhacay goob biyo ay fadhiyeen oo war ah.
Wiilkan ayaa wartaasi u tagay si uu ugu soo dabaasho taas oo keentay inuu ku nafwaayay.
Raadin dheer ka dib waxaa suurtagashay in la helo meydkiisa.
Warta ku taalla xerada qaxootiga ee Xagardheer ayaa sanadkasta xilli robaadka waxaa ku dhinta ugu yaraan hal qof.
Waxaa ayna ku taalla meel aan sidaas uga fogeyn suuqa xerada qaxootiga ee Xeradaasi.
Dhanka kale xerada qaxootiga ee IFO waxaa ay koranto ku dhishay gabar yar oo ka mid ahayd qaxootiga xeradaasi ka dib markii ay koranto biyo ku dhex jirtay ay qabsatay.
Korantada qaxootiga laga isticmaalo oo ah matooro yar yar ayaa xilli robaadka waxaa la arkayaa inay disho dadka iyo duunyadaba.