DHAGEYSO:Kalonzo: Uhuru iyo Raila waa in ay isku mar siyaasadda ka fariistaan

0
382

Madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ayaa sheegay in hoggaamiyaha ODM Raila Odinga laga doonayo inuu siyaasadda howlgab ka noqdo marka uu dhammaanaya muddo xileedka madaxweyne Uhuru Kenyatta.
Waxaa uu xusay inuu tixgelinayo go’aanka Mr. Odinga ee ah inuu mar shanaad sanadka soo socdo u tartamo hoggaanka ugu sarreeya dalka.
Hasa ahaate madaxweyne ku xigeenkii hore ee wadanka Kalonzo Musyoka ayaa sheegay in Raila laga doonayo inuu ixtiraamo shacabka codbixiyeyaasha ah.
Hoggaamiyaha Wiper oo ka mid ah madaxda isbeheysiga OKA ee maanta dalladda Mount Kenya Forum kula kulmay deegaanka Thika ee ismaamulka Kiambu ayaa carrabka ku adkeeyay in heshiiskii sanadkii 2018-kii dhexmaray madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo madaxa xisbiga ODM Raila Odinga uu dalka xasilooni buuxda u horseeday.
Waxaa uu xusay in sidaas awgeedna labaduba looga baahan yahay inay isku mar baneeyaan saaxadda siyaasadeed iyadoo ay xasilooni jirto.