DHAGEYSO:Xulafada Ruto oo doonaya dhaqangelinta warbixin ku saabsan dhulalka

0
342

Qaar ka mid ah xulafada siyaasadeed ee madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa dalbaday in shaaca laga qaado oo si buuxda loo dhaqangeliyo warbixinta Ndung’u Land Report oo ku saabsan arrimaha dhulalka.
Caisha Jumwa oo laga soo doortay Malindi iyo dhigeeda Nyali ee Mombasa Maxamad Cali ayaa sheegay in dhaqangelinta waxyaabaha ku qoran warbixinta ay xal u noqon doonto caqabadaha dhanka dhulalka ee ka jiro dalka.
Siyaasiyiintan ayaa sheegay in haddii dowladda dhexe ay ka go’an tahay dib u eegista xadgudubyada taariikhiga, loo baahan yahay in mudnaanta koowaad la siiyo arrimaha dhulalka.

Hadalladan ayay ka jeediyeen fagaaraha Burhani ee deegaan baaramaneedka Mvita ee ismaamulka Mombasa.
Ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto oo isku soo bax siyaasadeed maanta ku qabtay Mombasa ayaa hoosta ka xarriiqay inay qasab tahay in la xalliyo dhibaatooyinka dhanka dhulalka ee sanado badan qaar ka mid ah shacabka gobolka xeebta ka dhigay kuwo aan lahayn meel rasmi oo ay deggan yihiin.

Sanadkii 2003-dii ayay ahayd markii uu madaxweynihii hore ee dalka Mwai Kibaki guddi u magacaabay inuu baaritaano ku sameeyo qaababka aan sharciga ahayn ee loo bixiyay dhulalka dowladda .
Warbixinta Ndung’u Land Report ayaa ka kooban 256 bog waxaana loogu magacdaray guddoomiyihii guddigaas Paul Ndiritu Ndungu.
Xubnaha guddiga oo baaritaano xaqiiqo raadin ah sameeyay ayaa sheegay in saraakiisha dowladda ee dhulalka bixiyay ay danta guud ee shacabka ka hor mariyeen danaha maalgashato gaar ah.