Wasaaradda caafimaadka ee dalkani Kenya ayaa maanta shaacisay inay 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay diiwaangelisay 1,372 oo ah xaaladaha cusub ee cudurka COVID-19.
Tani ayaa timid ka dib markii cudur sidaha corona laga baaray dheecaan dhan 5,635.
Heerka xanuunka corona ee gudaha wadanka ayaa hadda ah boqolkiiba 24.4.
Tirada guud ee kiisaska caabuqa ee ilaa iyo hadda laga xaqiijiyay dalka ayaa ah 263,707 .
Dadka ugu dambeeyay ee uu fayraska corona ku dhacay 1,260 ayaa kenyaan ah iyadoo 112 ay ajaaniib yihiin.
Dhanka jinsiyadda waxaa dumar ah 699 halka raggu ay tiradoodu tahay 673.
Waxaa ugu yar canug dhallan shan bilood waxaana ugu wayn 90 sano jir.
Waxaa xanuunka ka caafimaaday 74 bukaan oo dheeraad ah , 50 laga saaray isbitaallada iyo 24 lagu daryeelayay guriyaha.
Tirada guud ee dadka ka bogsaday COVID-19 ee Kenya ayaa hadda ah 249,296.
Wax dhimasho oo dheeraad ah lama soo tabin waxayna dhimashada guud ee ka dhalatay corona ee dalka weli tahay 5,353.
Waxaa xanuunka qabo oo isbitaallada dalka ku jiro 278 bukaan halka 4,996 lagu daryeelaya guriyaha.
14 bukaan ayaa ku jiro qaybaha daryeelka degdegga ee loo yaqaano ICU-da
Dhanka kale waxay wasaaraddu sheegtay inay adeegsatay dawooyinka tallaalka ka dhanka ah COVID-19 oo gaaraya 8,861,039 .
5,288,176 oo ka mid ah tiradan waxay hal mar ah qaateen tallaalka iyadoo 3,572,863 qof si buuxda looga tallaalay cudurka.




