Guddoomiyaha baarlamaanka Kenya oo qalliin yar galay

0
283

Guddoomiyaha golaha qaran ee xeer dejinta Mr. Justin Muturi ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitter-ka ku sheegay in lagu sameeyay qalliin yar ka dib cillad ku timid bishii hore.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in saddex toddobaad ka hor isagoo xafiiskiisa ku jiro ay jug ka gaartay garabka midig iyo dhabarka ka dib markii uu la dhacay kursi uu ku fadhiyay xilli uu doonayay inuu qaanad soo jiido.
Muturi oo xusay in qalliinka looga sameeyay dhanka garabka midig ayaa tilmaamay in xaaladiisa caafimaad ay soo hagaagayso.
Tallaabadan ayuu qaaday ka dib markii xanuunka uu ku soo noqnoqday in kastoo daryeel caafimaad uu horay u helay.
Wararka qaar ayaa tilmaamaya in guddoomiyaha baarlamaanka lagu qalay isbitaal ku yaalla magaalada Dubai ee dalka isku tagga imaaraadka carabta.