Ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ayaa dib ugu laabanaya gobolka xeebta halkaasi oo uu ku sugnaan doono labo cisho.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Ruto uu xalay gaaray dowlad deegaanka Mombasa.
Waxaa uu socdaalkiisa ku billaabay kulan uu la yeeshay aqoonyahaanada gobolkaasi xilli ay ku wada kulmeen casho.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray qorshaha siyaasadeed ee madaxweyne ku xigeenka dalka oo ku saleysan in kobcinta dhaqaalaha wadanka laga soo billaabo meel hoose iyadoo la taageerayo danyarta, dhallinyarada shaqo la’aanta ah iyo ganacsatada yaryar.
Ruto ayaa inta uu ku sugan yahay gobolka xeebta waxaa uu kulamo kala duwan la yeelan doonaa qaybaha bulshada si uu uga codsado inay ku taageeraan musharraxnimadiisa sanadka 2022-ka.