Wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaa sheegtay in deegaan baarlamaneedka Bureti ee ismaamulka Kericho laga dhisi doono fasallo cusub oo gaaraya 52.
Waxaa mashruucan ku baxaysa lacag dhan 40.9 milyan oo shilin.
Tani ayaa qayb ka ah dadaallada ay dowladda dhexe ugu jirto hirgelinta hannaanka tacliinta ee CBC oo la rajeynayo inuu ardayda si wayn uga soo dhiso dhanka xirfadaha.
Nidaamka CBC ayaa la soo saaray sanadkii 2017-kii waxaana lagu beddelay hannaankii hore ee 8-4-4 .
20-kii bishii Oktoobar ee sanadkan ayay ahayd markii uu madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta wasaaradda maaliyadda ku amray inay wasaaradda tacliinta siiso 8 bilyan oo shilin si loogu dhiso 10,000 oo ah fasallo laga hirgelinaya dugsiyada sare ee dalka.